Allbanaadir.com
NEWS

Askari saakay dil iyo dhaawac Muqdisho ugu geestay dad shacab ah oo la qabtay

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in gacanta kusoo dhigaan askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo saakay nin Bajaajle ahaa ku dilay Isgooska Tarabuunka sidoo kale dhaawacay qof kale oo shacab ahaa.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaacisay in ciidamada amaanka ay soo qabteen askarigii ka dambeeyay dilkii iyo dhaawacii saakay ka dhacay Tarabuunka.

Waxa ay sheegtay Zakiya in aysan marnaba raali ka noqon doonin in askarta dhibaateeyaan dadka shacabka ah, waxa ayna tilmaantay in askarigan dilka geestay sharciga la horgeyn doono.

“Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka” ayey tiri Taliye Zakiya

Ciidanka booliiska Soomaaliya ee lasoo dhigay Isgoosyada magaalada Muqdisho ayaa marar badan dilal iyo dhaawac u geestay dad shacab ah, waxaana baxsaday qaar kamid ah askarta dilalka geesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka gobolka Tigray: Dad kor u dhaafaya 600 oo hal goob lagu xasuuqay

Caydiid Ali

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin gabar maalmo badan Afduub ahaan u heestay

Cabdi Cade

Waa sidee xaalada Jilaaga caanka ah ee Sunny Deol oo laga helay cudurka COVID-19?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---