Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha dibeda ee Kuuriyada Woqooyi oo booqasho yaab leh ku tegay dalka Sweden

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku sugan dalka Sweden isaga oo booqasho layaableh ku tagay halkaas, ka hor kulanka ay macquulka tahay in ay yeeshaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Kim Jong-un.

Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in booqashada Ri Yong-ho ay ku saabsan tahay iskaashi labo geesood ah, is fahan iyo dhexdhexaadnimo.

Sweden ayaa leh taariikh dheer oo ay ku dhexdhexaadin jirtay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyiga.

Sidaas daraadeed booqashadan ayaa dhalisay in la saadaaliyo in laga yaabo in kulankani uu qayb ka yahay qabanqaabada kulan ay yeeshaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa toddobaadkii hore aqbalay casuumaad ku saabsan in uu kulan fool ka fool ah la yeesho Kim, arrintaas ayaana layaab noqotay maadaama oo labada masuul ay aflagaado iyo hanjabaad is waydaarsanayeen muddo bilo ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii casuumaadaas la soo mariyay masuuliyiinta Kuuriyada Koonfureed ee fadhigoodu yahay Washington.

Ra’iisulwasaaraha Sweden Stefan Lofven ayaa wakaaladda wararka ee dalkiisa ee TT u sheegay in haddii dhinacyadu ay doonayaan in Sweden ay kaalin ku yeelato, in markaas ay diyaar u yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha cusub ee Heyada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo xilka la wareegay

Caydiid Ali

Muuse Suudi oo cadeeyay cida loo heesto Askari si arxan daro ah loo dilay iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Khilaafka u Dhaxeeya Farmaajo iyo Jabuuti oo xoogeestay iyo Somaliland oo fursad heshay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---