Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawiro laga soo qaaday Ciidamada Danab ee Al Shabaab kala wareegay Bariire

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee loo yaqaan Danab ayaa dhawaan Xarakada Al Shabaab kala wareegay deegaan Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Danab ee la wareegay deegaanka Bariire ayaa ah ciidamo aad u hubeesan, waxa ayna ciidamadan saldhigyo ka sameesteen gudaha Deegaanka Bariire iyo sidoo kale duleedyada deegaankaasi.

Deegaanka Bariire ay hada gacanta ku hayaan ciidanka Milatariga Soomaaliya waxaa dhawaan booqday Taliyaha ciidanka lugta iyo sidoo kale saraakiil kale oo katirsan ciidanka Milatariga.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada la wareegay deegaanka Bariire ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in Al Shabaab ka saaraan deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku jiraan Mubaarak , Janaale iyo Owdheegle.

Al Shabaab ayaa awood badan ku leh deegaano badan oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana deegaanadaasi la sheegaa in ay yihiin kuwa inta badan laga soo abaabulo weerarada ka dhaca Muqdisho iyo Shabeelooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha dowlada (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaalida kunool magaalooyin kuyaala dalka Uganda oo Digniin adag loo diray

Cabdi Cade

Ciidamo kala dhexgalay dagaal ka socday degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---