Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kuraas laga sameeyay Cagta Maroodiga oo Hadiyad ahaan loo siiyay Sadex Madaxweyne (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Botoswana Mokgweetsi Masisi, ayaa sadex Madaxweyne oo Afrikan hadiyad ahaan u siiyay kuraas qaali ah oo la sheegay in laga sameeyay cagta xayawaanka Maroodiga.

Mokgweetsi Masisi ayaa hadiyad ahaan u siiyay Madaxweynayaasha Wadamada Zimbabe, Zaambiya iyo Nabiibiya kuraastan laga sameeyay cagta maroodiga xili uu dalka Botoswana ka socday shir looga hadlayay mustaqbalka xayawaanada naasleyda.

Hadiyadda cajiibka ah ee laga sameeyay cagta Maroodiga ee la siiyay hogaamiyeyaasha ku shiray Botoswana qaarkood ayaa ahayd fariin culus oo lagu taageerayo ka ganacsiga iyo ugaarsiga Maroodiga,

Dalalkan ku shiray daklka Botoswana ay kamid aheyd Koonfur Afrika ayaa ku baaqay in meesha laga saaro xayiraada lagu soo rogay ugaarsiga iyo sidoo kale ka ganacsiga maroodiga.

Hogaamiyaashan ayaa la sheegay in ay doonayaan dhaqaalaha laga helo ugaarsiga maroodiga in loo adeegsado mashaariic waa weyn oo lagu ilaalinayo maroodiga wadamadooda ku badan.

Khubarada la socota xaalada maroodiga ayaa sheegay in qaarada Afrika sanadkii lagu dilo 30,000 oo maroodi ah, waxa ayna sheegeen khubarada in hada qaarada kusoo hareen  450,000 oo maroodi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Shacab Maraykanku ku duqeeyey Kuunyo barow (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Masjid loo dhibaateeyey una xirmay Islaam-naceyb oo dib loo dayactirayo !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---