Allbanaadir.com
NEWS

RW Khayre oo xalay saqdii dhexe kormeeray degmada ugu khatarta badan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa xalay saqdii dhexe kormeeray xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa kormeerkan taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiintii la socotay ayaa la sheegay in ujeedadiisu aheyd mid amniga loogu kuur galayay, waxayna socod ku mareen qeybo ka mid ah degmadaas.

Raisul Wasaare Khayre iyo xubnaha la socday ayaa kormeerka ka dib gaaray xarunta Maamulka degmada Heliwaa, halkaasoo uu kula hadlay Saxaafada isagoo ka warbixiyey ujeedada kormeerka uu sameynayo oo uu xusay iney tahay u la socodka xaalada amniga degmada iyo qaabka ay halkaas uga howlgalaan ciidamada amaanka.

“Waxaa Kormeerkan uu muujinayaa in dalka uu Nabad yahay waayo? xili habeen saq dhexe ah ayaan joognaa degmada Heliwaa waxaana taasi ku mahadsan ciidamada oo sugaya amniga, waxaana leeyahay sii xoojiya, maxaa yeelay shacabka idinka ayay idinku jiifaan idinkuna toosaan” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre oo shacabka degmada ugu baaqay iney xoojiyaan wada shaqeynta ay leeyihiin Maamulka degmada iyo ciidamada amaanka.

Inkastoo magaalada Muqdisho guud ahaan ay gacanta ku heyso dowlada Somalia ayaa haddana degmada Heliwaa waxaa lagu tiriyaa meel ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Al-Shabaab, waxaana mararka qaar xiliyada habeenkii ka dhaca weeraro toos ah oo lagu qaado farisiimo ay degmadaas ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dibed baxyo rabshado watay oo ka dhacay Somaliland

Caydiid Ali

Zelensky oo maanta tagaya xarunta Maxkamadda ICC iyo Duqeyn ka dhacday Kyiv

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Waa wax laga naxo in Wasiir laga dhigo C/qaadir Max’ed Nuur (Jaamac)”

Caydiid Ali