Kulan muddo dheer socday oo dhaxmaray Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo, Culuma’udiinka iyo dadka degaanka ayaa lagu go’aamiyey in isbedel lagu sameyo guurka oo mudooyinkan qaali ka noqday degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Luuq Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Maamulku soo saaray amar lagu xadiday qarashaadka faraha badan ee ku baxa arooska taasoo uu sheegay inay sabab u noqotay iney soo bataan dadka sida qarsoodiga ah isku guursanaya ama isla baxsanaya.
Waxaa uu sheegay in degmada Luuq laga mamnuucay arooska in dhowr waqti oo kala duwan loo qalo xoolo sida horey u dhici jirtay iyo in la dhimo lacagaha Meherka ee la siiyo dumarka la guursanayo oo gaaray kumanaan dollar, isagoo xusay in Meherka la siiyo haweenka laba boqol oo dollar lacag aan ka badneyn lagu soo koobay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in lamaane walba oo doonaya inay isguursadaan ay yimaadaan xarunta Maxkamadda degmada Luuq oo uu sheegay iney si fudud howlahooda guurka ugu dhameyn doonto.
Waxaa uu digniin u diray waalidiinta dhalay gabdhaha oo uu sheegay iney dhibaatada qeyb ku leeyihiin, maadaama ay dhaqaale xad dhaaf weydiistaan ragga gabdhaha ka doonta, isagoo ugu baaqay iney fududeeyaan guurka.
Ma sheegin guddoomiyuhu ciqaabta ay mudaneyso cidii amarkan ka soo horjeesata, balse waxaa uu sheegay in maamulku uu xil iska saarayo meel marinta go’aankan lagu fududeynayo guurka.
Hadalka ka soo baxay Maamulka degmada Luuq ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey dhalinyarada guurdoonka ah ee ku dhaqan degmadaas gaar ahaan wiilasha oo intooda badan aan awoodin dhaqaalaha lagu xujeeyo marka ay gabdhaha doontaan, lamana oga sida uu amarkan u dhaqan geli doono.
Luuq ayaa noqoneysa degmadii labaad ee ka tirsan Gobolka Gedo oo amarka noocan ah laga soo saaro, waxaana horay amar kan la mid ah u soo saaray Maamulka degmada Balad-xaawo ee isla gobolka Gedo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com