Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

In ka badan 140-Xildhibaan oo lagu eedeeyay Xil gudasho La’aan iyaga oo Muqdisho jooga

Kulamada ay yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa soo wajahayay caqabad la xariirta kooram la’aan, waxaana marar badan kooram la’aan u baaqday fadhiyo ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada golaha shacabka.

Gudoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan 143-Xildhibaan oon inta badan imaan fadhiyada Baarlamaanka, Xildhibaanadan ayaana la sheegay intooda badan in ay joogaan Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa sharci daro ku tilmaamay in Xildhibaano badan iyaga oo jooga magaalada Muqdisho in aysan soo xaadirin xarunta golaha shacabka.

Waxa uu sheegay Muudey in wax laga xumaado tahay Xildhibaan aan fasax ku maqneyn oo hadana jooga Muqdisho in uusan kasoo qeyb galin kulamada Baarlamaanka, waxa uuna xusay in 143-Xildhibaan oo Muqdisho jooga aysan imaan kulmada Baarlamaanka.

” Waa arrin sharci darro ah in Xildhibaan aan fasax iyo arrimo caafimaad ku maqneyn oo Muqdisho jooga inuu ka maqnaado kulamada Baarlamaanka, maxaa sababay in 143 Xildhibaan oo ka maqan fadhiyada Baarlamaanka ay dhammaantood ku sugan yihiin Muqdisho, Waxaan caddeynayaa in aysan meelna uga qorneen Xeer-hoosaadka iyo dastuurka in fasax la’aan Xildhibaanada iska maqnaadaa” Ayuu yiri Muudey

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada fasax la’aanta ka maqan kulmada Baarlamaanka hadana ku sugan magaalada Muqdisho.

Hadalkan kasoo yeeray Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shalay kulan ay Xildhibaanada golaha shacabka ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho uu u baaqday kooram la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Siyaasiyiin & Waxgarad ka soo jeeda Puntland oo soo saaray Bayaan ka dhan ah Deni

Caydiid Ali

Wasiir Cali Xoosh oo su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Aqalka sare

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo diiday deeq lacageed oo gaareysa $1.7 Bilyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---