Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo isbadal cusub oo la dareemayo

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku xoojineyso amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayeen qaraxyo kala duwan , dilal qorsheesan iyo dhac loo geesanayay dadka shacabka ah.

Ciidamo badan oo booliis ah ayaa lasoo dhigay isgoosyada iyo laamiyada magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana u badan kuwa cusub sidoo kale tiro ahaan ka badan kuwii markii hore la dhigi jiray Isgoosyada iyo baraha kale ee koontarool.

Ciidankan cusub ayaa baaritaano ku sameenaya gaadiidka isticmaalaya qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidankan u muuqdaan kuwa feejigan oo shaqo badan haya.

Waxa sidoo kale magaalada ka howlgala ciidamo kale oo iyana baaritaano iyo howlgalo amaanka lagu sugayo ka sameenaya qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamadan baarayaan guryaha si ay uga raadiyaan hub iyo waxyaabaha qarxa.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemay wax xoogaa isbadal ah, mana jirin maalmihii lasoo dhaafay qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowlada ayaa xooga saareysa sugida amaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeesan ee Ramadaan, waxaana inta badan bishan oo kale magaalada ka dhici jiray qaraxyo iyo dilal qorsheesan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay howlgalada amaanka lagu xaqiijinayo ee socda, inkastoo ay dhibaato xoogan ku qabaan shacabka marista wadooyinka ay ciidanka joogaan oo loo diido in ay adeegsadaan gaadiidka shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay in Wasiir iyo Agaasimihiisa is feraan & Wasiir Maryan Qaasim oo Culumada u jawaabtay !!

admin

(Sawirro) Maraykanka oo taageero cusub u balan qaaday dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

(Sawirro) Somalia & Marooko oo kala saxiixanaya heshiis cusub oo khuseeya hal arrin

Caydiid Ali