Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan Kumaandooska Somaaliya oo tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta tababar mudo sanad ah u socday usoo xiray ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Ciidamadan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa tababar socday mudo sanad ah waxa ay ku qaateen Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidan tababarka siinayay macalimiin Soomaaliyeed .

Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa Wasiirka uga warbixiyay marxaladihii ay soo mareen ciidankan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ee maanta tababarka loo soo xiray.

Waxa uu sheegay Generaal Saney in ciidankan tababarka loo soo xiray markii hore ay ahaayeen tiro badan balse markii dambe qaarkood tababarka looga saaray arimo la xariira dhinaca dishabiliinka .

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan tababarka loo soo xiray ay yihiin dufcadii 5-aad , waxa uuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ugu Dambeyn  Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ciidankan tababarka usoo xiray ayaa kula dar daarmay in ay noqdaan kuwa daacad ah diyaarna u ah difaacada dalkooda.

“Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa hada heesata ciidamo badan oo tababar fiican dalka gudihiisa lagu siiyay, waxaana  ciidanka dowlada wali ku adag in Al Shabaab ka saaraan deegaanada iyo degmooyinka ay dalka ka maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daroogo badan oo lagu soo qariyay kartoono ay ku qornaayeen Magaca Ronaldo oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Amar kasoo baxay Al Shabaab oo lagu xiray Garoon caan ka ahaa Muqdisho 

Cabdi Cade

Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Qod-Qod? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---