Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo Markab Dagaal u diray Bariga Dhaxe kadib Cabsi soo wajahday Ciidankiisa

Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in markab dagaal oo sida diyaaradaha dagaalka iyo ciidamo badan u dirtay Bariga Dhexe si ay u xoojiyaan ciidankeeda halkaasi ku sugan.

La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton ayaa xaqiijiyay in Markabkan dagaal loo diray Bariga Dhaxe, waxa uuna sababta markabka loo diray ku tilmaamay in laga hor tagayo khatar kaga imaan karta Iiraan.

Waxa uu sheegay John Bolton in talaabadan ay tahay farriin cad oo aan lagu khaldami karin sidii ay ugu diri lahaayeen taliska Iran, waxa uu xusay in ay difaacayaan danaha Maraykanka iyo xulufada ay leeyihiin.

John Bolton ayaa sheegay in dowlada Mareykanka aysan diyaar u aheyn in ay dagaal qaadaan, waxa uuna cadeeyay in ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Iiraan .

“Mareykanka ma doonayo inuu dagaal ku qaado Iiraan balse waxaan isku diyaarinay in aan ka falcelinno weerar kasta oo nalugu soo qaado, ha ahaadaan dalalka xulufada la eh, ciidammada kacaanka Iiraan ama ciidammada Iiraan” ayuu yiri Bolton.

Markabkan dagaal ee Mareykanka u diray Bariga Dhaxe oo lagu magacaabo USS Abraham Lincoln, ayaa sida diyaarado dagaal, halicoptero, gantaalada wax burburiya iyo tiro ka badan 6 kun oo ciidanka badda ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo & Rooble oo Isfaham hordhac gaaray iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo War cusub ka soo saaray dagaalka reer Hiiran kula jiraan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo saakay la wareegay deegaano Al Shabaab maamulayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---