Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo qeybgalaya Shirka Wada-tashiga DFS iyo dowladdaha Xubnaha ka ah DFS oo Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa shuruud ku xiray sii socoshada shirkaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay xal in loo helo khilaafka ka dhex aloosan Galmudug iyo mid ka kala dhexeeya dowlada federaalka.
“Madaxweyne Xaaf wuxuu doonayaa in xal- rasmi ah loo helo arinta Galmudug ka horta aan la guda-gelin wada-tashiga looga arinsanayo arimaha la xariira Aminga qaranka, hannaanka doorashada iyo kheyraad wadaaga, Galmudug waxay doonaysaa in ajenadaha lagu daro xal u heli khilaafka iyo isdiidanaanta siyaasadeed u dhaxeysa Madaxda JFS iyo Galmudug” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maalintii labaad ka socda shirka Wadatashiga Heer Qaran kaasoo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaray shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda ay wadaan ka doodista qodobo ka mid ah shirka, iyad aoo la filayo in dhawaan la soo geba-gabooyo,isla markaana qodobo laga soo saaro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.comÂ