Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

RW Khayre oo looga mahad celiyey Mashruuc uu horey uga saaciday shacabka Garoowe (Sawirro)

Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan mahad celin ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed Ku taageeray dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso Garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka ay marayaan qorshaha iyo dadaallada dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe , waxa uuna u muujiyey ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka Bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaraddu.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare, Maxamed Cali Ciise ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaagga buuxa ee dhismaha garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Kheyre Oo Daah-furay Mashruuc Dhismo Wadooyin ay maalgalineyso Qadar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo maalintii labaad ka dhacay degmada Wanlaweyn

Caydiid Ali

Deni oo Eedeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo kadib Doorashadii ka dhacday Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---