Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin laga bixiyey natiijada ka dhalatay howlgalada ka socda Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka hadlay natiijada ka dhalatay howlgalka ciidamada amaanka ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in markii uu ku dhawaaqay howlgalkaas oo laga joogo muddo 40 cisho ah uu isbedel ku yimid amniga caasimadda Soomaaliya, lagana hortagay falal amni darro oo ay geysan lahaayeen Al-Shabaab.

“Waxaan ku bogaadinayaa ciidamada Amniga howlgallada joogtada ah ee ay habeen iyo maalin wadaan, iyagoo garab ka helayay shacabka Muqdisho” ayuu yiri Eng. C/raxmaan Yariisow.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka inay kaalintooda ka qaataan sugida amniga, lana shaqeeyaan ciidamada amaanka dowladda Somalia si ay u fududaato in la baajiyo weerarada kooxaha nabadiidka ah sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in kansar laga qaado Biyaha caagadaha laga cabbo? (Cilmi baaris)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Madaxweyne Farmaajo u furay kalfadhiga Baarlamanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---