Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun adag ku riday Dable Axmed Max’ed Xuseen

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday Dable Axmed Maxamed Xuseen oo ka tirsan Ciidamada Booliska soomaaliya, kaasi oo ku eedeysnaa in siyaabo kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amniga, waxa ay sidoo kale  horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhaca ku  geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Waxaa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha..

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Mustafa Cagjar oo xaalada ku xun tahay iyo Shir xasaasi oo maanta …

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Madaxda maamulada oo…

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo haweeney u magaacabay la taliyaha Difaaca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---