Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu qabtay duleedka Muqdisho

Ciidamadda ammaanka dowladda Somalia ayaa sheegay iney qabteen Gaari noociisu yahay Mini Bus ama caasi qarax laga soo buuxiyay, kaasoo la doonayay in lagu weeraro shacabka Muqdisho Bisha barakaysan ee Ramadaan sida ay ciidamadu xuseen.

Sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Jen. Zakiya Gaarigan ayaa lagu qabtay agagaarka Isbitaalka Xaawo Cabdi oo ku yaalla wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

“Waxaa uu qarxay intii ay ciidanku ku mashquulsanaayeen inay furfuraan Qaraxa, waxaana ku dhaawacmay 1 Askari” ayey intaas ku dartay taliye ku-xigeenka.

Shacabka ku dhaqan degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayey sheegtay iney gaarigaas ku soo wargeliyeen laamaha amniga ka hor inta aan gacanta lagu dhigin, iyadoo arintaas si weyn uga mahad celisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Iran oo iska diidday in sawirro laga helo xarumaheeda nukliyeerka

Cabdi Cade

(Sawirro) Shirkad Mareykan ah oo arrimo Jaceyl awgood khasaartay ballaayiin dollar

Caydiid Ali

Shir Xasaasi ah oo u dhaxeeya Golaha Wadatashiga iyo Musharaxiinta oo socda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---