Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Kenya oo soo bandhigay hub & rag qorsheynayey iney Nairobi ku weeraraan (Daawo Sawirro)

Booliska Kenya ayaa warbahinta magaalada Nairobi ugu soo bandhigay hub iyo ragii watay oo ay sheegeen in ay damacsanaayeen weerar laga geysto magaaladaas iyo qeybo kale oo ka mid ah dalkaas.

Taliyaha ciidanka Booliska kenya Joseph Boinne ayaa sheegay in ay hub iyo walxo qarxa ay ku soo qabteen howlgal ay ciidamada amaanka Kenya ka sameeyeen magaalada Mairobi.

Waxaa uu intaas ku daray in ragga watay hubka laga soo kala qabtay magaalooyinka Merti iyo Nairobi, kuwa laga qabtay Nairobi-na ay ku sugnaayeen Hotel.

Joseph Boinne ayaa xusay in hubka ay soo qabteen ay ku jiraan 80-Kg oo ah maadada qaraxda ee TNT loo yaqaano taasoo uu tilmaamay haddii qarax loo adeegsan lahaa ay galaafan lahayd nolosha boqolaal shacab ah, sidoo kalena bur burin laheyd dhismayaal badan.

Waxaa uu carabka ku dhuftay in ragga waday qorshaha weerarka ee laga geysan lahaa Nairobi ay yihiin Al-Shabaab isagoo intaa raaciyay inay heegan buuxa ugu jiraan ka hortagga Weerarada ay Al-Shabaab qorsheynayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada oo galabta lagu soo gebagebeynayo Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) War-Murtiyeed laga soo saaray Shirweynihii Culimada Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay Shil Tareen oo ka dhacay Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---