Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka & Shaqaalaha Allbanaadir Online oo ummada Soomaaliyed u diraya hambalyada bisha Ramadaan

Maamulka, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakada Allbanaadir Online waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummaddaha islaamka meel kastoo ay joogaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa bilatay.

Agaasimaha guud ahna Milkiilaha shabakada Wararka Allbanaadir Online Mudane C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka faaiideystaan fadliga iyo kheyrka bisha Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha, howlwadeenada shabakada allbanaadir online iyo keygaba waxaan hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhamaan ummadaha islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri  Agaasimaha.

C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed iney bisha Ramadaan awgeed is cafiyaan, isu naxariistaan, si wadajir ah uga faaiideystaan fadliga iyo kheyrka ay leedahay bisha barakeysan Ramadaan, isagoo u rajeeyey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan, guul horumar iyo Barwaaqo.

RAMADAAN KARIIM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Dowladaha Itoobiya & Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milateri (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay abwaan kale oo taageeray Al-shabaab

Caydiid Ali

Lacag dhan $100 milyan oo wax looga qabanayo dhibaato ka jirta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo la fasaxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---