Xildhibaano taageersan Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa xalay ka bilaabay Magaalada Muqdisho abaabulka mooshin ka dhan ah Raisul Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre.
Mooshinkan ayaa la sheegay in looga jawaabayo mooshinka muranku ka taagan yahay ee shalay laga gudbiyey guddoomiye Jawaari, kaasoo aan weli wax xal ah laga gaarin sababna u noqday inuu kala jabo guddoonka Baarlamanka Somalia.
Warar la helayo ayaa sheegaya in illaa Sodomeeyo xildhibaan ay saxiixeen mooshinka ka dhanka ah Raisul Wasaaraha Somalia, waxaana xubnaha wada abaabulka mooshinkan ay wadaan isku day iyo dedaalo ay ku kasbanayaan xildhibaano kale si ay u xoojiyaan mooshinkooda.
Xubnaha wada mooshinkan ayaa aaminsan iyo Raisul wasaaraha xukuumada Somalia iyo golihiisa wasiirada ay soo abaabuleen mooshinkii shalay laga keenay gudoomiye Jawaari.
Kulamo la isku waabariistay iyo abaabul ayaa xalay ka jiray hotelada magaalada Muqdisho qaarkood, iyadoo marxalada siyaasadeed ee uu dalku galay ay walaac badan abuurtay.
Inkastoo dadka intiisa badan ay ku jahwareersan  yihiin waxa uu salku ku hayo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari ayaa haddana xildhibaanada ka horjeeda Xukuumada waxay aaminsan yihiin in ujeedada lahaa mooshinkan ay aheyd in qalalaase siyaasadeed laga dhex abuuro Baarlamanka si meesha looga saaro la xisaabtanka Xukuumada.
Qalalaasahan Siyaasadeed oo ah kii ugu xumaa ee dalka soo mara muddo shan sano ah ayaan la saadaalin Karin halka uu ku dambeyn doono iyo waxa xiga halka ay xaaladu taagan tahay hadda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â