Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Somalia ayaa lugaha la galay qalalaase siyaasadeed oo saameyn ku yeelan doona habsami u socodka howlaha iyo kulamada Golaha.
Mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari ayaa sababay in gudoonka Baarlamanka uu labo u kala jabo, golahana uu labo u qeybsamo ka dib muran ka dhashay sharcinimnada mooshinka laga keenay Jawaari oo dood adag ay ka taagan tahay.
Mowjadaha siyaasadeed ee ka dhex bilowday Xildhibaanada Baarlamaanka ka oo hadda u muuqda mid faraha ka sii baxaya ayaa hadii aan si deg deg ah loo xalin sababi kara mashaqo saameyn ku yeelan karta dhamaan heyadaha kale ee dowlada.
Khilaafkan ayaa sidoo kale dib u dhac ku keenaya horumarka iyo geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo hamuuntii loo qabay in la arko dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, balsr uu hada soo if baxayo khilaafka dowlada dhaxdiisa ah..
Shacabka Soomaaliyeed oo la dhacsanaa horumarka ay ku dowlada Somalia mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay ayaa si weyn uga niyad jabsan waxaa ka socda Baarlamanka Somalia hase ahaatee siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Soomaalida kalama jecla arintaas danahooda gaarka ah ayaana wax walba ugala weyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  Â