Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo la sheegay iney Al-shabaab adeegsan rabeen bisha Ramadaan oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada dowaldda ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose kusoo qabtay miinooyin fara badan oo kuwa dhulka la geliyo ah.

Sida ay sheegtay Taliyaha ku xigeenaka ciidamada Booliska Zakiya Hussein waxaa howlgalka lagu qabtay waxyaabaha qarxa oo Alshabaab ay diyaariyeen, waxaana lagu soo bandhigay goob fagaare ah.

Waxay intaas ku dartay in ciidamadu ay qabteen 12 qaraxyada waaweyn ee loo dhigo gaadiidka iyo sunta qaraxyada laga sameeyo.

Zakiya Waxay sheegtay in Al-Shabaab ay doonayeen in hubkaasi ay adeegsadaan inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, ayna ku waxyeeleyn rabeen shacabka gobolada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Wasiirada iyo Xildhibaanada DFS ee ka soo jeeda Awdal oo u digay Itoobiya

Caydiid Ali

Soomaaliya oo u diyaar garoobeysa ka qeyb galka shirka caalamiga ah ee COP-28

Caydiid Ali

Kismaayo: Askar ka tirsan ciidanka Jubbaland oo lagu xukumay dil iyo xabsi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---