Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo caawa shaaciyey in Mooshinkii laga keenay Jawaari uu yahay….

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Muudey ayaa sheegay in mooshinka uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay isagoo xusay inuu dhamaan buuxiyey shuruudihii looga baahnaa mooshin.

“Waxaan cadeynayaa in Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharci noqday markii aan saxiixay oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, uuna buuxiyey shuruudihii looha baahnaa” ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

Waxaa uu intaa ku daray in mooshinka ay ku saxiixnaayeen 107 Xildhibaan, aysana jirin xildhibaano ka laabtay oo isaga la soo xiriiray.

Kulankii Guddiyada joogtada ee lagu  laalay Mooshinkii Xildhibaanada ka keeneen Guddoomiye Jawaari ayuu sheegay C/wali Muudey in kulankaas uusan sharci aheyn, mar haddii uusan isaga isugu yeerin.

“Mar haddii Guddoomiyaha Mooshin laga keenay, waxay aheyd inaan aniga isugu yeero kulanka guddiga joogtada ah, maadama aysan taas dhicina kulanka guddiga sharci maaha” ayuu yiri Muudey.

Hadalka Guddoomiye Muudey ayaa cirka ku sii shareeraya qalalaasaha soo wajahay Baaramanka Somalia oo haatan ku soo biyo shubtay muran la xiriira sharci ahaanshaha mooshinka laga keenay Jawaari kaasoo haatan kala qeybsanaan dhex dhigay gudoonka Baarlamanka iyo xildhibaanada intaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Wadahadalka xabad joojinta Gaza oo mar kale furmaya & Xamaas oo qorshe cusub keentay

Caydiid Ali

Wasiir katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay Sababta (Akhriso)

Cabdi Cade

Nin xirnaa lebiska dumarka iyo Indho-shareer oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali