Waxaa soo baxaya shaki xoogan oo laga muujinayo iney jiraan xildhibaano ka laabtay Mooshinkii ka dhanka ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Max’ed Cismaan Jawaari.
Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Somalia ayaa galabta laalay mooshinkan ka dib markii sida ay sheegeen ay ka laabteen 16 ka mid ah 107 xildhibaan oo saxiixay markii hore, taasoo keentay iney noqdaan 91, halkii laga rabay 92 xildhibaan sida sharcigu qabo.
Xildhibaanada mooshinka saxiixay ayaa ku doodaya ineysan jirin wax xildhibaano ah oo ka laabtay mooshinka, iyagoo ka dalbanaya guddiga joogtada ah ee Baarlamanka iney keenaan cadeymo arintaas la xiriira ama ay soo bandhigaan magacyada xildhibaanada ka laabtay.
Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa sheegaya in xubnaha guddiga joogtada ee laalay mooshinka ay u badan yihiin rag saaxiibo dhow la ah guddoomiye Jawaari, ayna aad u yar tahay kalsoonida lagu qabi karo go’aanka ay soo saareen.
Guddomiye ku-xigeenka Baarlamanka C/wali Ibraahim Muudey oo qabtay mooshinkan ayaan weli ka hadlin iney jiraan xildhibaano ka laabtay mooshinka iyo in kale, inkastoo ay caawa soo baxeen warar aan la xaqiijinin oo sheegaya inuu qabanayo shir jaraaid oo uu kaga hadlayo arrimahan.
Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo sugan oo lagu kalsoon yahay, waxaa soo baxay xildhibaano aan ka mid ah saxiixeyaasha mooshinkan balse taageersan in xilka laga qaado Guddoomiye Jawaari, waxaana marka la isu geeyo xildhibaanada saxiixay mooshinka iyo kuwa taageersan ay tiradoodu gaareysaa qiyaastii 140 xildhibaan.
Lama oga jawaabta guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Somalia ka bixin doono shakiga laga muujinayo xildhibaanada ay sheegeen iney ka laabteen saxiixa mooshinkan, waxaana la dhowrayaa sida arintan uga hadlaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com