Waxaa caawa magaalada Muqdisho Hoteelo kuyaala ka socda kulamo iska soo horjeeda ay leeyihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulamadan ayaana ah kuwa lagu taageerayo Mooshinka laga gudbiyay Jawaari iyo kuwa lagu difaacayo.
Guddi ay leeyihiin Xildhinaanadii mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo caawa kulan ku yeeshay Hotel kuyaala meel ku dhaw Madaxtooyada ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii Guddiga joogtada gaareen.
Xildhibaanadan ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii kasoo baxay Guddiga joogta, waxa ayna tilmaameen in mooshinka ay gudbiyeen loo maray wado sax ah ayna suurto gal aheyn in mooshinkaasi in isbaaro loo dhigto.
Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa sheegtay in laga been abuurtay in Xildhibaano ka laabteen mooshinkii laga gudbiyay Jawaari, waxa ayna xustay in Mooshinka uu yahay mid sax ah oo wali sidiisa u taagan.
Waxa ay sheegtay Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal in Xildhibaan mooshin uu saxiixay uusan ka laaban karin kahor inta aan laga doodin codna loo qaadin, waxa ayna intaa raacisay in go’aanka Guddiga kasoo baxay uu yahay mid waxbo kama jiraan ah.
Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari ayaa sharci daro ku tilmaamay in Jawaari uu shir Gudoomiyo shirkii Gollaha joogta golaha Shacabka, waxa ayna tilmaameen in Gudoomiyaha uusan shir gudoomin karin iyada uu mooshin ka yaalo.
Dhinaca kale Hoteelo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa iyana kulamo ku leh Xildhibaano taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ee mooshinka laga gudbiyay, waxa ayna Xildhibaanadan soo dhaweeyeen go’aankii Guddiga joogtada kasoo baxay.
Kulan deg deg ay galabta yeesheen Guddiga joogtada ee golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in uu bur buray mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna Guddigu sheegeen in Xildhibaano ka laabteen mooshinka sidaasna ku bur bureen.
Mooshinkan laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xiisad ka dhax abuuray Madaxda sare ee dalka, waxa uuna Jawaari aaminsan yahay in Madaxda sare wax ka ogyihiin mooshinka isaga laga gudbiyay.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulamadan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com