Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Nguyen Phu Trong oo Muddo Saddex todobaad ka badan la la’yahay

Madaxweynaha dalka Vietnam Nguyen Phu Trong ayaanan lagu arkin meel fagaara ah ku dhowaad seddex todobaad, taasoo keentay in walaac laga muujiyo xaaladiisa caafimaad.

Nguyen Phu Trong oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga haya talada dalka ee shuuciga  ayaa la waayay meel uu qabtay kadib markii uu xanuunsaday, 14-kii bishii Abriil ee sanadkan.

Shakiga laga qabo Caafimaadka madaxweynaha ayaa sii xoogeystay jimcihii la soo dhaafay ka dib markii madaxweyne Nguyen Phu Trong oo 75 jir ah uu ka soo qeybgeli waayey aaska Madaxweynihii hore ee dalkaasi Le Duc Anh, iyadoo warbaahinta dawladda ma aysan sharaxin sababta uu u maqnaa madaxweyne Trong, oo la filayay inuu hoggaamiyo aaska.

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa aaska ka hor sheegay in shaqada badan iyo cimilada ay saameeyeen xaalada caafimaad ee madaxweynaha, isagoo  intaa ku daray in Trong uu si dhaqsi ah shaqada ugu soo laaban doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidanka Dowladda oo soo afjaray weerarkii lagu qaaday maqaayada Peral iyo Masuuliyiin laga…

Cabdi Cade

Shirka Cilmi baarista Injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhacdo naxdin leh: Hooyo iyo todoba caruur ah oo ku dhintay hoobiye ku habsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---