Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo bilowday qorshe la isaga hor keenayo Maamul goboleedyada & dowladda dhexe

Dowladda Itoobiya ayaa billowday qorshe ay ku dooneyso in ay isaga horkeento qaar ka mid maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe ka dib markii baarlamanka Soomaaliya uu laalay heshiisyada shirkadda DP World oo qeyb ahaan Itoobiya faa’iido ku qabtay.

Generaal Gabre oo ka mid ah Masuuliyiinta Itoobiya ee saameynta ku leh arimaha Soomaaliya, kana tirsan saraakiisha IGAD, ayaa shir qarsoodi ah kula yeeshay Nairobi masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Crown ee Nairobi, ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Jubba Land, Axmed Madoobe iyo masuuliyiin sar sare oo ka socday Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Sida lagu helay xogta shirkan, labada dhinac ayaa isla meel dhigay qaabkii maamul goboleedyada uga hor imaan lahaayeen qaraarka baarlamanka ee DP World kasoo saareen.

Waxaa la rumeysan yahay in Itoobiya ay ka faa’iideysaneyso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, isla markaana ay ku qancin karto in ugu yaraan fowdo ku furaan dowladda dhexe. Arrintaan ayaa imaaneysa xilli dhowaan madaxda sare ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada lagu wado in ay ku kulmaan magaalada Garowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo…

Cabdi Cade

Nairobi Xoog Xamarna Xisaab: Guuldarrada Isballaarinta Dowlada Kenya !!

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo fariin u diray Xildhibaanada dooran ee dalka iyo dibaddiisa ku kala sugan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---