Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxaa looga hadlayaa shirka Wada tashiga ee maanta ka furmaya Garoowe?

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland & Puntland oo marti loo yahay  iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Garoowe ku wada sugan.

Ka sokow in shirkan looga hadli doono xalinta khilaafaadka ka dhex jira dowlada iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood qodobada kale ee shirka lagu falanqeynayo  waxaa ka mid ah:-

1-Cida xaqa u leh inay jaangooyso nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

2-Sidii Heshiis laga gaari lahaa qodobka 51aad ee dastuurka oo cadeynaya heerarka Iskaashi ee dhexmara Dowladda dhexe iyo Dowlad  goboleedyada.

3-Shirka waxa sidoo kale looga hadlayaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

4-Qeybsiga Kheyraadka dalka, iyada oo shuruucda ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo dhowr maalmood ah ayaa waxaa la filayaa in gebagediisa laga soo saaro War-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha lagu heshiiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay Saraakiil iyo Masuuliyiin oo ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Steen Sonne warbixin dheerna siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

TOOS U DAAWO: Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo ka socota Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---