Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay mooshinkii ay ka soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka

Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka hadlay mooshin isaga ka dhan ah oo maanta ay soo gudbiyeen xildhibaano boqol ka badan.

Jawaari ayaa sheegay in mooshinkaas uu dhamaaday ka dib markii xildhibaanada soo gudbiyey ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa, isagoo xusay in Xildhibaanadaas ay muujiyeen dimoqraadiyad iyo dowladnimo, ayna ku amaanan yihiin sida ay sharciga u ilaaliyeen.

“Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada golaha iney ilaaliyaan midnimada golaha, wixii Sabtiga ka dambeeyana waxaan bilaaban doonaa howlaheenii caadiga ahaa” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo ku baaqay in la iscafiyo.

Hadalka gudoomiye Jawaari ayaa yimid ka dib markii Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Somalia oo kulan deg deg ah isugu yimid ay shaaciyeen iney laaleen mowshinkii kalsooni kala noqoshada ahaa ee isaga laga keenay.

Habdhowraha Baarlamanka Somalia C/xakiin Buux oo ku dhawaaqay go’aanka guddiga ayaa sheegay in mooshinka ay markii hore soo gudbiyeen 107 xildhibaan. balse ay ka laabteen 16 xildhibaan taasoo keentay in soo haraan 91 Xildhibaan oo aan dhameyn tirada sharciga ah ee mooshin ka keeni karta gudoomiyaha baarlamanka oo laga  rabo 92 xildhibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Jubbaland oo isbedel ku sameysay Jadwal doorasho oo ay horey u shaacisay (Akhriso)

Caydiid Ali

Prof. Geeddi: “Siyaasiyiinta dalkan soo hogaamiyey waa iney hoos u dhigaan Xasarada”

Caydiid Ali

QM oo shaacisay iney joojineyso gargaarkii ay siin jirtay shacabka Falastiin (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---