Mooshin lama filaan ah oo saaka xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa la laalay ka dib kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga joogtada ah ee baarlamanka Somalia.
Xildhibaanadan mowshinka gudbiyey oo saaka Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay tiradooda inay ka badan tahay 100 Xildhibaan, ayna Mooshin sharci ah ka gudbiyeen Gudoomiye Jawaari oo eedeymo kala duwan loo jeediyey.
Hase ahaatee Guddiga joogtadda ah ee Golaha Shacabka ayaa isku raacay inuusan sharci ahayn Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ka dib markii la buuxin waayey shuruudihii loo baahnaa.
Warar ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in Guddiga Joogtada ah uu weydiistay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka C/wali Ibraahim Muudey oo mooshinka qabtay inuu soo bandhigo tirada saxiixayaasha mooshinka, si Guddiga go’aan ugu gaaro sharci ahaanshaha Mooshinka Jawaari, lana go’aamiyo in ajendaha kulanka ugu soo horeeya Baarlamaanka lagu soo daro.
Hase ahaatee Guddoomiye Muudey ayaan soo bandhigin tirada saxiixayaasha Xildhibaanada, balse ku adkeystay inay dhan yihiin tirada oo ay sax tahay.
Sida sharciga ah Mooshin laga keeno gudoomiyaha golaha shacanka waxaa keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darteed ayay guddigu sheegeen in la waayay tiradii saxda aheyd ee loo baahnaa in Mooshin lagu keeno sidaas awgeedna uu burburay mowshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ku soo aruureen Xildhibaanada saxiixay mooshinka taasoo jeentay inuu jabo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com