Britain ayaa dalkeeda ka ceyrisay 23 diblamaasi oo Raashiyan ah, ka dib markii maaddo sun ah la qaadsiiyay nin horey u ahaan jirey sirdoonka Ruushka Sergei Skripal.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii dowladda Ruushku diiday inay sharaxaad ka bixiso sida ay ku dhacday in sunta neerfaha ee Ruushka lagu sameeyay loo adeegsado weerar lagu qaaday Skripal oo degenaa Britain.
Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in diblamaasiyiinta ay dalka kaga baxaan muddo toddobaad gudihiis ah.
Waxa kale oo ay Britain la laabatay casuumaad horey loogu fidiyay Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, iyada oo sidoo kale xubnaha qoyska boqortooyada Britain la sheegay inay ka baaqsadeen ka qeybgalka ciyaaraha adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Ruushka.
Tallaabooyinka kale ee ay Britain qaadayso waxaa ka mid ah in si gaar ah loo baaro duulimaadyada gaarka ah ee Ruushka, alaabaha ruushka ka imanaya iyo kuwa loo dirayoba.
Waxaa kale oo xanibaad lagu soo rogayaa hantida dowladda Ruushka u taala Britain haddii la arko wax caddeymo ah oo la xiriira in halis lagu galiyay nafta qof.
Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegtay in ceyrinta diblamaasiyiinta ay tahay talaabo aanan la aqbali karin.
Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in UK ay siyaasadaynayso arrinka, isla markaasna ay hareer marayso heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan hubka kiimikada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com