Allbanaadir.com
NEWS

Saynisyahan Dunida caan ka ahaa oo Geeriyooday (Daawo Sawirro)

Waxaa xalay dalka Britain ku geeriyooday Saynisyahanka Dunida caanka ka ahaa Stephen Hawking oo ku takhasusay culuumta Astronomy iyo Physics.

Saynisyahankan ayaa wax badan ka qoray cilmiga falaga, waxaana kamid ahaa buugaagtiisa sida weyn loo akhristo buug uu qoray sanadkii 1988 oo uu ciwaan uga dhigay; A Brief History of Time.

Stephen Hawking oo ku caan baxay hindisihiisa fikradda cuf-is- jiidadka hawada sare ee loo yaqaano Black Holes ayaa inta uusan dhiman kahor bare ka ahaa  jaamacada University of Cambridge ee dalka Britain.

Aqoonyahankan ayaa waxaa ku dhacay cudurka loo yaqaan ALS markuu jiray 21 sano, cudurkaasi oo baralis ka dhigayey xubnaha jirkiisa 55 sano ee lasoo dhaafay, walow uusan marnaba ujoojin shaqadiisa.

Cudurka ALS ayaa inta badan dadka uu ku dhaco ay dhintaan 2 illaa 3 sano gudahood, waxayna dhakhaatiirta horey ugu sheegeen Hawking inuu dhiman doono intuusan gaarin 25 sano, balse ninkan ayaa xalay ku dhintay da’da 76 sano.

Stephen Hawking ayaa cudurka ku dhacay ku keenay in uu kusoo uruuro gaariga curyaamiinta, kana dhigay nin aanan hadli karin, balse waxaa loo sameeyay qalab codka gudbiya oo uu dadka kula xiriiri jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo dhaleeceeyey go’doominta Israa’iil ku soo rogtay Gaza

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad Hubeesan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamze: “Somalia waxay leedahay labo cadow oo u baahan in la ciribtiro”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---