Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu dambeeyay Jawaari oo wada abaabulka Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha 

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Fedeaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa ay gacanta u galiyeen Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay iyo saakay waxaa laga dareemayaa xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan, waxaana kulamo kala duwan qeybo kamid ah Muqdisho ku leh Xildhibaano siyaasad ahaan kala fikir duwan.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka careysan mooshinka laga gudbiyay ayaa dhankiisa wada abaabul ka dhan ah Mooshin laga soo gudbiyo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka sheegay in Xildhibaano uu la kulmay una badan Mucaaradka Xukuumada uu ka dalbaday in ay si deg deg ah soo qoraan una soo gudbiyaan mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Jawaari ayaa ku tuhmaya Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in ay wax ka ogyihiin mooshinka isaga laga soo gudbiyay, waxa uuna dhankiisa doonayaa in uu abuuro foodo siyaasadeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa hada wajahaya xaalada adag kadib markii ay xoogeesteen Xildhibaanada Mooshinka ka wada oo kor u dhaafaya 100-Xildhibaan, waxa uuna Jawaari doonayaa in uu xalaad kale abuuro si uu gor gortan u galo.

Mooshinkan laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jiitamayay dhoorkii bil ee lasoo dhaafay, hasa ahaatee abaabul xoogan oo xalay dhacay ayaa keentay in saakay aroor hore Mooshin laga gudbiyo Jawaari.

Waxaa shaki badan la galinayaa sharci ahaanshaha Mooshin kale uu qabto Jawaari maadaama Gudoonka Baarlamaanka gacanta ku hayo mooshin isaga ka dhan ah, waxaana Dastuurku dhigayaa in Mooshin aan la qaban karin iyada oo mid kale miiska saaran yahay.

Gudoomiyaha Baarlamanaka ayaa xilkiisa ku weyn kara hadii ay codka kalsoonida kala noqdaan 184-Xildhibaan , hadii la waayo codad intaas gaaraya ama ka badan waxaa halkaasi ku fashilmaya in Jawaari xilka laga tuuro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarameynta Ciidamadii Ahlu Sunna laga wareejiyay oo laga shiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Somaliland oo u dabaaldegtay sanadgurada 33aad ee Maalinta 18ka May (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxwe Xaaf oo R/W Kheyre kusoo dhaweeyay Deegaanka Godinlabe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade