Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ay la socdeen in ka badan 140-ruux oo ku dhacday Wabi (Daawo Sawirada)

Diyaarad nuuca rakaabka qaada ah oo ay la socdeen 143 qof  oo isugu jiray Rakaab iyo shaqaalaha diyaarada ayaa ku dhacday Wabi kuyaala meel ku dhaw garoonkii ay dooneysay in ay ku degto .

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 737, ayaa ka timid dalka Kuba iyadoo ku socotay Woqooyiga gobolka Folorida, mana jiro wax dhimasho ama dhaawac ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Florida.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Diyaaradda ay si kedis ah uga baxday Garoonka, ka hor inta aysan ku dhici Webiga Saint Johns River, lamana oga wali waxa sababay shilkan diyaaradeed.

Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay shilalkan diyaaradeed ee ka dhacay dalka Mareykanka, waxaana shilkan uu argagax badan ku abuuray rakaabkii diyaarada la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaal Caan ah oo Muuqaal laga duubay iyaga oo ku maadeesanaya Donald Trump

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan iyo Erdogan oo Wadahadal muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Kenya oo isbadal ku sameesay Go’aankii ay ku xiri laheyd Xeryaha Dadaab iyo Kakuma

Cabdi Cade
Taboola Ads ---