Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxkamadeynta 10-nin oo loo heesto Dilkii iyo Kufsigii loo geestay Caa’isha oo bilaabatay

Magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland waxaa saakay ka bilaabatay dhageysiga dacwadaha loo heesto 10-nin oo lagu soo eedeeyay kufsi iyo dil argagax leh oo magaalada Garawe loogu geestay Caa’isha Ilyas oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Dhageysiga dacwada Eedeesanaha ayaa xiligan ka socota hoolka xarunta gobolka Nugaal, waxaana hoolka dacwada lagu dhageesanayo ku sugan Wasiiro katirsan Puntland, ehelada Caa’idsha, ehelada eedeesanayaasha iyo dad kale oo dacwada dhageesanaya.

Hoolka ay ka socoto dhageysiga dacwada waxaa lagu soo bandhigay sawiro iyo qoraalo la xiriira kiiska kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas, waxaana goobta ku sugan qareeno u doodaya Qoyska Caa’isha iyo kuwa difaacaya eedeesanayaasha.

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud Maxamuud Xareed oo soo oogay dacwada ayaa maxkamada ka hor akhriyay magacyada Eedaysanayaasha loo haysto kiiska dilka ee Caa’isho Ilyaas.

Kufsiga iyo dilkii argagaxa lahaa ee loo geestay Caa’isha Ilyaas oo aheyd 12-jir kunooleyd magaalada Gaalkacyo ayaa gil gilay quluubta shacabka Soomaaliyeed, waxaana la dalbaday in cadaalada la horkeeno eedeesanaaashii falkaasi geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Gollaha Shacabka oo bilaabatay

Cabdi Cade

Digniin laga bixiyey dayax gacmeed dhulka ku soo dhacaya Maalmaha soo socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---