Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir hore oo wax ka qoray Shirka Garawe iyo Mudo kororsiga laga cabsi qabo

Shirka Garowe hal waddo oo keliya ayaa u furan. Waa in is-mariwaaga siyaasadeed looga gudbo is-afgarad run ah oo waddada u xaara wada shaqeyn Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Dowlad Goboleedyada gudahooda maaddaama iyaga laftoodu ay kala qeybsan yihiin.

Madaxda Federalka waan ku taageerayaa ka qeybgalka shirka Garowe. Waxaan u arkaa dabacsanaan ay ahayd in ay mar hore muujiyaan oo dan u ah isu soo dhowaashaha Madaxda Soomaaliya iyo ku qancid in talada dalka la wada leeyahay.

Aniga oo daba socda Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee ay Golaha Wasiirradu soo jeediyeen anigu ma qabo in doorashada dib loo dhigo. (Eeg qoraalkeyga shalay ee kan ka horreeyay).

Aragtideyda kooban waxay soo jeedineysaa in Doorashadu aanay dib uga dhicin xilligeeda. Haddii la huri waayo in ay dib u dhacdo, waa in la keeno sababo lagu qanci karo.

Marka taa la isla qaato Muddada kororsiimadu waa in aanay ka badan shan bilood oo keliya, oo ay wehliyaan shuruudo lagu xakameynayo awoodda Dowladda sii haynaysa xilka muddadaas kooban.

Bilaha kororsiimada waa in aan Dowladdu magacaabi karin xilalka sarsare ee Siyaasadda, Diblomaasiyadda, Ciidanka iyo kuwa Maamulka. Maaddaama siyaasiyiinta qaarkood ay olole doorasho ka dhigtaan magacaabidda xilalkaas, waa in sida keliya ee xil sare lagu magacaabi karo muddada shanta bilood ahi ay noqotaa in la buuxinayo xil ciidan haddii laga geeriyoodo.

W/Q Yusuf Garad Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Cabashada Jawaari iyo Cabashooyin kale oo loo gudbiyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo sheegay cida ka badbaadi karta cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo laga soo dejiyay Muqdisho & fashil soo wajahay Cali Guudlaawe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---