Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay Masuul horey uga tirsanaa maamulka Puntland

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku xiray  Abuukar Cabdi Geelle oo soo noqday Gudoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Puntland.

Abuukar Geelle ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Laascaanood , waxaana xabsiga dhigay ciidamada Somaliland oo ku eedeeyay in uu magaalada ka waday falal aysan raali ka aheyn maamulkaasi.

Maamulka Somaliland ayaa u eedeeyay Abuukar Cabdi Geelle in Magaalada Laascaanood uu ka waday Ol’olo ka dhan ah Soomaaliland laguna tageerayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen masuuliyiinta maamulka Somaliland ee gobolka Sool in masuulkan xilka kasoo qabtay maamulka Puntland dhawaan lasoo taagi doono maxkamada lana soo bandhigi doono cadeymaha dambiga loo heesto.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xariga loo geestay Abuukar Cabdi oo soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool xiligii Cabdiweli Gaas, waxa uuna Abuukar xilkaasi iska casilay dabayaaqadii sanadkii hore ee 2018-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday iyo uu sameeyo labo arin midood runtana cadeeyo !!!

Cabdi Cade

Ciidan ka tirsan ilaalada Villa Somalia oo lagu tababaray dal ka tirsan Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dhalinyaradii laga soo tarxiilay Maraykanka oo qaraxii shalay ku baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---