Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda Garawe

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan gaaraan magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland.

Magaalada Garawe waxaa ka socda qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana garoonka Diyaaradaha Garawe kusii qul qulaya masuuliyiin iyo dad kale oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa maanta magaalada Garawe uga qeyb galaya shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo madaxda maamulada qeybta ka ah dowlada.

Shirkan ka furmaya magaalada Garawe ayaa kusoo aadaya xili khilaaf u dhaxeeyo dowlada federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedada, waxaana shirkan looga hadli doonaa arimo ay kamid yihiin amaanka, doorashooyinka iyo dastuurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo talooyin yaab leh u jeediyey Muslimiinta ku nool Faransiiska

Caydiid Ali

Xiisad ciidan oo ka taagan jidka u baxa garoonka dayuuradaha Boosaaso & ciidanka PSF oo..

Caydiid Ali

Gudoomiye Madaale & C/llaahi Mohamed C/llaahi oo sadex arin ka wadahadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---