Allbanaadir.com
NEWS

Xoghayihii Arrimaha dibeda ee Maraykanka oo xilkii laga qaaday (Yaa lagu bedelay)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, isagoo ku beddelay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA Mike Pompeo.

Trump ayaa eryidda Tillerson iyo magacaabista Pompeo ku shaaciyay fariin uu soo dhigay bogiisa Twitterka.

“Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysa haweeney markii ugu horeysay ee madax ka noqoneysa Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.” ayuu yiri Trump.

Eryidda Tillerson, ayaa waxay ku soo beegmaysaa isagoo safar shaqo ah ugu maqan qaaradda Afrika dalal ka tirsan oo uu socdaal ku kala bixinayo, mana sheegin Trumo sababta uu xilka uga qaaday Tillerson.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeesay dad badan ku dhintay Kaniisad

Cabdi Cade

Daacish oo baahisay sawirada kooxdii fulisay weerarkii Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne William Ruto oo xaaladu ku xun tahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---