Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dowlad goboleedkii labaad oo ka soo horjeestay sharciga cusub ee doorashooyinka (Akhriso)

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hor timid qaabka loo meel mariyay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxda Sare dalka ku eedeeyay in ay si bareer ah ugu tunteen dastuurka ayna isku koobeen go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka sida dhameystirka dastuurka qabyada ah, Qaabeynta howlaha doorashooyinka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, iyo xasilinta Amniga dalka.

Galmudug ayaa noqoneysa dowlad goboleedkii labaad ee ka soo horjeesta sharciga doorashooyinka ee ay shalay anixiyeen golaha wasiirada Xukuumada Somalia, maamulka Puntland ayaana si cad u diiday sharcigaas oo ay sheegeen inaan lagala tashan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Kenya oo hakisay go’aan ay dhawwaan soo saartay kaddib muran ka dhashay

Cabdi Cade

Shirkad Diyaaradeed oo Caalami ah oo joojisay Duulimaadyadii Muqdisho ku imaan jirtay

Cabdi Cade

Maxay degmada Balcad ku soo arkeen Wasiiro ka tirsan DFS oo booqday? (Sawiro+Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---