Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay fulinta balan qaad uu horey u sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bilaabay in uu fuliyo balan qaad uu horey u sameeyay oo aheyd in uu xiliyada qaar ku shaqeyn doono Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo kutaala Laamiga Warshadaha.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa bilaabay in isbuuciiba dhoor mar uu tago xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya si uu ula socdo howlaha Wasaarada iyo dib u habeynta ciidanka Milatariga, waxa uuna maanta saacado kusoo qaatay xarunta Wasaarada  .

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha ayaa kulamo joogta ah xarunta kula qaadan doono Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, Saraakiisha ciidamada xoogga, isagoo ka xog wareysanaya xaaladda ciidamada iyo sida ay wax u socdaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan tagay Wasaarada Gaashanadhiga , waxa uuna horey u balan qaaday in si joogto ah u tagi doono uguna hogaamin doono howlaha ciidamada Milatariga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajnabi kasoo dhinac dagaalamay Al Shabaab oo lagu riday Xukun adag

Cabdi Cade

Xiddig caan ka ah Afrika oo ku dhintay garoonka dhaxdiisa xilli uu kubad ciyaarayay

Cabdi Cade

Dedaal intee le’eg ayuu Deni ku bixiyey in Somalia ay ka dhacdo doorasho xor ah?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---