Waxaa maanta lagu waday in magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland ka furmo shir ay yeelanayaan Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
Shirkan waxaa dhawaan iclaamiyay Madaweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ka codsaday in ay kasoo qeyb galana shirka.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid shirkii maanta la filayay in uu Garawe ka furmo, waxaana sababta dib u dhaca lagu sheegay in aysan wali Garawe gaarin Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin dib u dhaca ku yimid shirkii maanta la filayay in uu Garawe ka furmo iyo xiliga shirkaasi furmayo, waxaana maanta la filayaa in Garawe gaaraan wafdi kala duwan oo shirka ka qeyb galaya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirka Garawe ka furmaya ,waxaana gaaray Garawe wafdi horu dhac u ah Madaxweyne Farmaajo .
Shirka Garawe ka furmaya ayaa looga hadlayaa arimo badan ay kamid tahay xaalada siyaasadeed ee dalka , xal u helida khilaafka Dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada, dhameestirka Dastuurka iyo doorashada la filayo in ay dhacdo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com