Urur ay ku mideesan yihiin dadka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kana mid ah ciidanka booliiska dalka Mareykanka ayaa waxa ay kaga hadleen dambigii dilka ahaa ee lagu helay Maxamed Nuur oo kamid ahaa saraakiisha booliiska.
War Saxaafadeed ay soo saareen xubnaha booliiska Soomaalida Mareykanka waxa ay sheegeen in kiiskan dilka ah uu geestay Maxamed Nuur uu si weyn u saameeyey qoyska Justine Damond iyo qoyska sarkaalka dilka geestay.
Saraakiisha booliiska ee Soomaalidu waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in fikaradda aanay eexdu ka maqnayn ee hay’adaha dawladda ee ka dhanka ah dadka madawga ah ay door weyn ka qaadatay xukunka maxkamadda ay ka gaartay Maxamed Nuur.
War Saxaafadeedka kasoo baxay Ururka ay ku mideesan yihiin Soomaalida booliiska Mareykanka ayey ku cadeeyeen inay sii wadi doonaan hawshooda ku aaaddan dhismaha kalsoonida bulshada .
Warkan ayaa kusoo aadaya xili dambi dil ah ay ku heleen Guddi xeer-beegti ah oo todobaadyadi lasoo dhaafay eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota.
Sargaalkan Soomaali Mareykanka ayaa lagu helay in si aan ku tala gal aheyn u dilay Haweeney lagu magacaabo Ruszczyk Damond oo u dhalatay dalka Australia, dilkan ayaana dhacay 15-kii July 2017-dii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com