Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka taqaan wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha? (Warbixin iyo taariikh)

Eng Abdullahi Ali Hassan Wasiirka Cusub Ganacsiga iyo Warshadaha

Enjineer Abdullahi Ali Hassan ayaa maanta shaacin rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Eng Abdulaahi Ali Hassan ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomalia 1991 u istaagay dhinaca horumarinta bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay.

Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuuna macallin uu kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ay isaga iyo aabihiis macallimiin ka wada ahaayeen allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan.

Laga soo bilaabo sanadkii 1990 ilaa iyo hadda waxa uu ku howlanaa u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha saameeyeen ,wuxuuna mudooyinkii u danbeeyay ahaa agaasimaha Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CED oo ah hay’ad maxalli ah oo ka shaqeeysa arimaha gargaarka bani’aadanimada.

Mudadii aadka u fogeyd wuxuu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada Eng. Cabullahi Cali Xasan waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah.

Enjineer Abdullahi ayaa lagu yaqaan inuu yahay hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda iyo horumar howsha loo igmaday , Waa aqoonyahan qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan yahay bulshada rayidka ah.

Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hoggaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxyaabaha lagu soo xushayna ay u badan yihiin intaas.

Waa shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah. Ugu danbeyntii, Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka.

W/qoray: Cali Muhiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Xasan Kheyre oo kormeer ku tagay Wasaarada Maaliyada iyo xarunta Bangiga Dhaxe

admin

Bankiga Adduunka oo Warbixin cusub ka soo saaray kororka dhaqaalaha Somalia ee 2021

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulankii Xamse iyo Ganacsatada Muqdisho?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---