Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si deg deg ah u magacaabay Wasiirka Warfaafinta

Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xilka Wasiirka Warfaafinta loogu magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo horey u ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale Wareegtada uu soo saaray ku magacaabay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ugu magacaabay  Eng C/llaahi Cali Xasan oo ku heyb ah Wasiirkii Warfaafinta Dahair Geelle oo maanta is casilay.

Magacaabistan deg dega ah ayaa kusoo aadeysa xili uu maanta Warbaahinta ka shaaciyay Daahir Maxamuud Gelle in uu iska casilay xilka Wasiirka Warfaafinta, kadib  is fahmi waa soo kala dhax galay isaga iyo Madaxda sare ee dowlada

Related posts

Nin Dilay Caruur badan dhiigoodana Dhuuqay oo si silac ah loo dilay !!

Cabdi Cade

Ciidamada Israel oo saacado yar gudahood ku dhowaad 100 qof ku xasuuqay Gaza

Caydiid Ali

Sababaha aysan sax u aheyn in beel gaar ah sheegato in ay leedahay Caasimada dalka !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---