Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidamada oo Dambi ku weysay nin horey Xukuno dil ah loogu riday

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya ayaa amartay in la fasaxo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), kadib markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay

11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland  ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho.

Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada  Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah  6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle).

Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida  ku bixiyeen  dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsiyada ugu badan lahaa ee dib u dhigista eedda ayaa 27-kii bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin xaggooda eedda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni oo la dul dhigo eedeysanaha iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug.

Qareenada u doodayay eedeysanaha  ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta fadhigii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, waxa ay sheegeen  in ay aqbalayaan wax kasta oo ay ku jirto danta guud ee dowladnimada iyo ilaalinta nabad galyada gaar ahaaneed ee degmada Gaalkacyo.

5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana  ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay  ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashoyinka xildhibaanada gobolada Waqooyi oo la magacaabay

Cabdi Cade

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay geerida wiil uu dhalay oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee dalka Siiriya

Caydiid Ali

Dagaalo culus oo saaka ka qarxay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---