Magaalada Muqdisho waxaa kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya maalinta beri ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, ka dib furitaanka Kalfadhigii 3aad ee Golaha Shacabka
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa goor sii horeysay waxaa lagu wargeliyay in berri oo Isniin ah ay isugu yimaadaan kulankii ugu horeeyey ee kalfdhiga sadexaad oo looga doodayo heshiiska dekeda Berbera.
Heshiiskan saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ayaa dhaliyay muran badan.
dowladda Federaalka ayaa dhowaan ka soo horjeesatay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid sharci daro ah, iyadoo intaa ku dartay in heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale inay geli karto oo keli ah dowladda Federaalka, ansixintiisana ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay gudoonka gaarsiiyeen qoraal ay ku dalbanayaan in ajendaha kulanka ugu horeeya ee bero qabsoomaya laga dhigo heshiiska Berbera maadaama ay tahay arin deg deg ah oo u baaha in go’aan laga gaaro.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal oo muddo 2 bilood ah fasax ku jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com