Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad laga leeyahay Turkiga oo burburtay & dhamaan dadkii la socday oo geeriyooday

Dayuurad laga leeyahay Wadanka Turkiga ayaa la soo sheegayaa iney ku burburtay dhinaca Koonfur galbeed ee wadanka Iran sida ay sheegayaan warar goor dhow soo baxay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dayuuradan oo nooceeda ah iyo shirkadda iska laheydba aan weli la shaacin ay ka soo duushay Magaalada Sharjah ee dalka Imaaraatka Carabta iyadoo ku sii jeeday Magaalada Istanbul.

Afhayeen u hadlay dowlada Iran ayaa sheegay in dayuuradaas ay ku dhacay dhul buuraley ah oo ku yaalla Koonfur galbeed dalka Iran ka dib markii uu dab qabsaday.

Ugu yaraan 11 qof oo la socday dayuuradan ayaa la aaminsan yahay dhamaantood inay ku naf waayeen shilkan, kuwaasoo isugu jiray shaqaale iyo dad kale oo la socday.

Wixii ka soo kordha shilkan dayuuradeed kala soco wararkeena ugu horeeya insha ALLAAH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iuo Masar oo kawada hadlay Isbadal Adduunka Qatar ku ah

Cabdi Cade

Guriga Gudoomiyaha golaha shacabka oo laga jaray biyaha iyo Cuntada

Cabdi Cade

Dowladda Soomaliya waxa laga sugayo mise waxey ku mashquulsan tahay?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---