Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahino ka soo baxaya kooxo hubeysan oo saddex qof ku dilay Muqdisho

Dabley hubeysan oo la aaminsan yahay iney Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay illaa saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa ka dhacay saacado ka hor agagaarka Lavagada Mahad Alle oo ku taalla Wadada warshadaha sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaankaas.

Dableyda hubeysan ayaa markii hore toogatay askariga, ka dib waxay halkaasi ku dileen labada qof ee shacabka ahaa oo arkayey markii la dilayey askariga, iyagoo horey u qaatay qoriga iyo booshashkii uu watay askariga.

“Waxaa degmada Yaaqshiid ka dhacay, dil rag hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan u geysteen illaa Saddex qof oo askari uu ku jiray, halka labada kalena ay ahaayeen shacab, askariga qorigiisa iyo booshashkii uu watay ayay qaateen, waxaan u maleynayaa sababta shacabka ah loo dilay inay arkeen wejiyada ragga dilka geystay markii uu dilka dhacayay”. ayuu yiri goobjooge halkaas ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa goobta gaaray, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii dilka geystay oo goor horeba halkaas isaga baxsaday.

Dilalka kooxaha hubeysan ay geysanayaan ayaa ku soo kordhay Magaalada Muqdisho maalmahan, habeen hore ayeyna markii degmada Xamar-weyne lagu toogtay ganacsade ka tirsanaa dadka degaanka oo ka shaqeysan jiray cuntooyinka ay isticmaalaan ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo dalkeeda ka xanibtay warbaahinada BBC iyo VOA

Caydiid Ali

Ukraine oo dayuurad dagaal ku weerartay Magaalada Moosko & Putin oo (Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan booliiska Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Muqdisho

Cabdi Cade