Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo soo bandhigtay Qorshaha AMISOM ugala Wareegeyso Amniga Dalka (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoomiyay kulan dowlada Soomaaliya ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka qorshaha ciidanka Soomaaliya ugala wareegayaan amaanka dalka Ciidamada AMISOM.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Xalane waxaa ka qeyb galay Dowlada Soomaaliya, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Madax mataleysay dalalka ay kasoo jeedaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.

Kulankan ayaa maanta intii uu socday waxaa lagu sharaxay qaabka  ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay Ciidamada AMISOM ugala wareegayaan sugida amaanka guud ee dalka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen  mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in la xoojiyo lana qalabeeyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si sanadaha soo socda ciidamada AMISOM ugala wareegaan sugida amaanka dalka.

Ciidamo ka socdo dhoor wadan oo wata magaca AMISOM ayaa hada Soomaaliya ka howgala, waxa ayna cidamadan qaarkood ilaaliyaan xarumaha Muhiimka ah ee dowlada sida Madaxtooyada Soomaaliya, Garoonka iyo Dekadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoyga Yevgeny Prigozhin oo laga helay Hub fara badan iyo Lacag xad-dhaaf ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Haween loo Magacaabay Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Uganda

Cabdi Cade

Ganacsade caan ah iyo ciidamo ku dhintay dagaalkii caawa ka dhacay Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---