Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxkamad ku taalla Hargeysa oo xukuntay nin aflagaado u geystay diinta Islaamka

Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa laba 2 sano iyo 6 bilood oo xabsi ah ku xukuntay Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ka dib markii lagu helay inuu aflagaadeeyey diinta Islaamka.

Ninkan ayaa ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha Magaalada Hargeysa, isagoo maalmihii ugu dambeeyay baraha bushadda ku faafinyaey qoraalo diinta Islaamka ka dhan ah.

Booliska Somaliland ayaa soo xiray ninkan oo la sheegay inuu ku kacay fal ka careysiiyay bulshadda Somaliland, lamana oga sababta uu ninkan u aflagaadeynayo diinta Islaamka.

Max’uud ayaa waxaa uu dhowr jeer soo noqday Musharax Golaha degaanka Magaalada Hargeysa waana nin aad looga yaqaano magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo lagu eedeeyey inuu boob ka wado ka kuraasta gobolada Woqooyi

Caydiid Ali

Maxay Somalia soo bandhigtay Maalintii labaad dhegeysiga dacwada Badda?

Caydiid Ali

Wasiir Xoosh: “Deni waa keligii taliye hurinaya colaad hubaysan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---