Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Deegaanadeeda ka mamnuucday Isticmaalka Domain-ka .So (Akhriso)

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada maamulka Somaliland ayaa deegaanada maamulkaasi looga mamnuucay isticmaalka Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (.SO).

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Isgaarsiinta Somaliland ayaa lagu wargaliyay dhamaan Shirkadaha, Jaamacadaha, Bangiyada iyo Websetyada laga leeyahay Deegaanada Somaliland in aysan adeegsan karin Domain-ka .So.

Wasaarada Isgaarsiinta maamulka Somaliland ayaa mudo 30 cisho ah siisay Shirkadaha iyo dadka kale ee adeegsada Domain-ka .SO  in ay uga guuraan , waxa ayna ku hajabtay Wasaarada cidii amarkaasi diida in ay ka xiri doonaan bogaga ugu sameesan .SO.

Amarkan kasoo baxay Maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili Dowlada Somalia si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Al-shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday rag katirsanaa Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---